Saturday, April 18, 2026
28 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kula kulmay Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cusmaan Barre Maxamed.

Kulankaan ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka isbedeladii dhacay iyo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay Madaxweynaha ka wada hadleen dhowr arrimood oo kala ah, guud ahaan arimaha diyaasadeed iyo marxlada kala guurka ah ee dalka uu maraayo, Arimaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, wax ka qabashada Fatahaadaha ku soo noq noqday deegaanada Hirshabeelle oo dhibaabto ba’an ku haayo bulshada.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka qeybna ka ahaa kulanka ayaa yiri” Madaxweynaha JF Soomaaliya iyo aniga iyo gudoomiyaha Barlamanka Hirshabelle oo ka wada sheekeystay xaalada Dalka, balse uusan bixin faah faahin intaasi ka dheer.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay madaxtooyada Soomaaliya laga dareemayaa mashquul xooggan tan iyo markii Xildhibaannada Golaha Shacabka ay xilkii ka qaadeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana socda shirar looga hadlayo Magacaabista Ra’iisul Wasaare Cusub.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...