Sunday, May 3, 2026
28.7 C
Mogadishu

Teknolojiyada: Whatsapp oo joojineysa adeegeeda lagu isticmaalo Mobile-lada qaar Sanadka 2020

Nairobi (Halqaran.com) – Shirkadda Whatsapp ayaa joojin doonta inuu adeegeedu ku shaqeeyo mobile-lada ay ku jiraan barnaamij-kiciyeyaasha iOS iyo Android qaarkood marka uu billowdo sanadka cusub ee 2020-ka.

Whatsapp aya horay u joojisay in uu barnaamijkeeda ku shaqeeyo Mobile-lada ay soo saarto shirkadda Balckberry iyo Nokia sanadkii 2016-kii, sanad kii xigay ee 2017-kiina waxa ay joojisay in uu ku shaqeeyo barnaamijkeeda mobile-lada ku shaqeeya noocyada hore ama feershanada hore ee Android, Windows iyo Iphone.

Sidoo kale 2019-kii sidaas oo kale ayey sameysay shirkadda Whatsapp.

Qoraal ay qortay Whatsapp ayaa lagu sheegay in ay joojineyso in gebi ahaanba barnaamijkeeda uu ku shaqeeyo Mobile-lada uu ku jiro barnaamij kiciyaha Windows OS marka lagaaro 31. Dec 2020. Taas oo ka dhigan dadka weli isticmaaliya Nokia Lumia aysan u suuro gali doonin in ay isticmaalaan Whatsapp sanadka 2020 oo ay ka hareen maalmo kaliya.

Ugu dambeyn qoraalka ay soo saartay Whatsapp waxa lagu xusay in qaar kamid ah Mobile-lada ku shaqeeya barnaamij kiciyaha Android OS gaar ahaan feershanka ama nooca 2.3.7 iyo iOS 7 iyaguna aysan Whatsapp ku shaqeyn donin Febraayo 2020-ka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...