Sunday, January 18, 2026
24.8 C
Mogadishu

Taliyhii ciidanka NISA ee Dhuusamareeb oo qarax lagu dilay

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya, in taliyihii ciidanka NISA ee magaaladaasi lagu dilay qarax.

Gaadiid uu la socday taliyihii ciidanka Nabad Sugidda ee magaalada Dhuusamareeb Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiiqdoon ayaa qarax miino ah lagula eegtay meel u dhow deegaanka Ceeldheere oo 30 km u jirta Dhuusamareeb.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo dadka deegaanka ayaa sheegay, in qaraxa ay ku dhinteen Taliyihii Ciidanka NISA ee Dhuusamareeb Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiiq doon (Qooje) iyo Askar ilaalo u aheyd.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in qaraxa ay ku dhaawacmeen askar kale oo taliyaha la socotay, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay magaalada Dhuusamareeb.

Weli kama aysan hadlin laamaha amniga Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ka howlgala magaalada Dhuusamareeb

Maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jiray deegaanno hoostaga magaalada Dhuusamareeb dagaallo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...