Baydhabo (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Talaadadii Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay Taliyaha Qeybta 60aad Ciidanka Xoogga Dalka Jenaraal Mohamed Sheekh Abdullahi iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Xooga dalka .
Ujeedada Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Baydhabo u gaarey ayaa waxa ay tahay sidii uga qeyb geli lahaa Munaasabad ay ku qalin jabinayaan Ciidamo ka tirsan Xooga Dalka Soomaaliyeed oo Maalinta Barita ah lagu qaban doono Magaalada Baydhabo.
Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee Magaalada Baydhabo ayuu Taliyaha kulan gaar ah la qaatay, waxaana uu ka dhageystay warbixin la xiriirta xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Baay.
Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka uu ku tago Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com











