Sunday, February 15, 2026
25.1 C
Mogadishu

Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo digniin culus u diray dadka xirta dharka Ciidanka xoogga

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa digniin kasoo saaray adeegsiga Dharka iyo Astaamaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed in ay adeegsadaan dad aan ka tirsaneyn Ciidanka dowladda.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan Cid walba oo aan ka tirsaneyn Ciidanka ee Xirata dharka Ciidanka dowladda.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Ciidanka xoogga ay la wareegi doonaan gaadiidka lagu buufiyay Astaanta Ciidanka ee ka tirsaneyn Ciidanka xoogga dalka.

Taliye Odawaa ayaa sidoo kale ka hadlay Kooxo hubeysan oo isbaaro dhigtay meelo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe oo maalmihii lasoo dhaafay dhibaato ku haayay Shacabka ku safra Wadada xiriirisa Muqdisho iyo gobolada Dhexe.

Odawaa ayaa xusay in Ciidanka xoogga ay tallaabo adag ay ka qaadi doonaan kooxahaasi, islamarkaana gacanta lagu dhigi doono.

Ugu dambeyn, taliye Odawaa ayaa xusay, in ay waddaan deddaalo ku aadan in Kooxaahasi gacanta lagu soo dhigo si sharciga loo marsiiyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...