Sunday, May 3, 2026
28 C
Mogadishu

Taliska Ciidanka Asluubta oo war kasoo saaray Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qarax miino oo ka dhacay kasoo horjeedka Iskuulka hoyga Xamar oo u dhow Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim oo ku taalla inta u dhaxeysa KM4 iyo Tarabuunka degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in qaraxaasi lala beegsaday Taliyaha Ciidamada Asluubta Mahad Cabdiraxmaan Aadan, balse uu ka badbaaday.

Qaraxa waxaa ku dhintay sida uu sheegay Afhayeenka labo Askari oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo qof Shacab ah.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in Qaraxaas ay ku dhaawacmeen Afar Askari iyo Shacab.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa, waxaana ay sheegeen in uu si dirqi ah qaraxa uu uga badbaaday Taliyaha Ciidamada Asluubta Korneyl Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...