Monday, May 25, 2026
26.4 C
Mogadishu

Taliska Booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray weerarkii ka dhacay Xeebta Liido

Muqdisho (HalQaran.com) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in xalay fidkii 09-ka Juun 2023 abaare 07:55 PM 7 katirsan Al-Shabaab ay Weerar ku qaadeen Hoteel Pearl oo ku yaalla Degmada Cabdicasis.

War-saxaafadeed kasoo baxay ayaa lagu sheegay in  Hoteelka ay Al-Shabaab weerareen uu ahaa goob ay Dadka Shacabka ah ku shaah cabaan, taas oo muujinaysa sida ay shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta u la dagaalamayaan.

‘‘Ciidamada Ammaanka ayaa isla markiiba u howlgalay soo afjarista weerarka Al-Shabaab, iyaga oo ku guulaystay in ay soo gabagabeeyaan weerarkaas abaare 02:00 AM‘‘  ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale taliska Booliska ayaa sheegay in weerarka Al-Shabaab ay ku dhinteen 6 muwaadin oo Shacab ah, ayna ku dhaawacmeen 10 kale, Intii ay badbaadintu socotayna ay ku dhinteeny 3 ka mid ah Cidamada geesiyaasha ee Amniga oo u dagaalamayay badbaadinta
Shacabka Soomaaliyeed.

“Alle mahadi, Ciidamada Amniga ayaa ku guuleystay in ay Goobtaas si nabadgelyo ah uga saaraan 84 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan Caruur yar yar, Dumar iyo dad Waayeel ah‘‘ ayaa lagu xiri war-saxaafadeedka taliska booliska Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...