Friday, March 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Taiwan oo si rasmi ah xafiis uga furatay Hargeysa

Hargeysa (Halqaran.com) –Taiwan oo aamisan inay ka go’day Dowladda Shiinaha ayaa Isniinta maanta ah waxaa ay si rasmi ah Xafiiska Diplumaasiyadeed uga furatay magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Munaasabad ka dhacday Xafiiska ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo marti kale iyo qaar kamid ah Bulshada Magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, munaasadda waxaa dhinaca online-ka ee Internet-ka uga qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan, isaga oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Xafiiska ay ka furrteen Somaliland.

Xubnaha ka socday Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in ay muhiim u arkaan xiriirka Cusub oo ay la sameeyeen Taiwan oo kamid ah Dowladda Shiinaha, balse sheegtay inay ka go’day.

Ugu dambeyn, xiriirka cusub ee u billaawday Somaliland iyo Taiwan ayaa waxaa dhawaan ka soo horjeestay dowladda Shiinaha, waxaana Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya uu sheegay in arrintaasi tahay sharci darro.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...