Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Tahriibayaal tira badan oo laga soo badbaadiyay Xeebaha Liibiya

Libya (Halqaran.com) – Dowladda Liibiya ayaa shaacisay in la soo badbaadiyay 163 tahriibayaal ah kuwaas oo ku sii jeeday qaaradda Yurub.

Taliyaha ilaalada xeeabaha Liibiya ayaa sheegay inay ku guulesteen soo badbaadinta dadkaan tahriibayay oo watay laba doon.

Wuxuu intaasi ku daray taliyaha in dadka la soo badbaadiyay ka soo jeedaan dalalka Afrikaanka ah, inkasta uusan xusin magacyada waddamadooda.

Dalka Liibiya ayaa noqday sanadihii ugu danbeeyay dariiqa inta badan ay maraan tahriibayaalka doonaya inay galaan qaaradda Yurub.

Hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha qaxootiga ayaa sheegtay in dowladda Liibiya soo celisay in ka badan 11 kun tabriibayaal ah sanadkii 2020-ka, halka ay ku dhinteen xeebaha Liibiya isla sanadkaas 381 oo qof, iyadoona la waayay 597 ruux.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...