Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

Soomaaliya iyo Itoobiya oo iska kaashanaya horumarinta adeegyada caafimaadka

Addis Ababa (HalQaran.com) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Maxamed Xassan Maxamed ayaa kulan muhiim ah la qaatay Dr. Lie Wasiirka Caafimaadka dalka Ethoipia.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii sare loogu qaadilahaa iskaashiga labada Wasaaradood ee dhinaca khibrad wadaaga iyo dhismaha kaabayaasha adeegga caafimaad.

Waxayna isku afgarteen in Ethiopia ka caawiso Soomaaliya sare uqaadista tayada aqoonta, khibarada shaqaalaha caafimaadka iyo horumarinta xarumaha caafimaadka Qaranka.

Sidoo kale, Labadda Wasiir ayaa isku afgartay in iskaashiga Wasiirada Bariga Afrika sare loo qaado, isla markaana si wadajir ah Wasiirada Wasaaraddaha caafimaadka ee wadamada Bariga Afrika ka wadashaqeyaan horumarinta tayada caafimaadka Bariga Afrika.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...