Hargeysa (HalQaran.com) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ee ahaa in Somaliland ciidankeeda ka qaado Laascaanood.
Mr Waraabe ayaa sheegay in ciidanka Somaliland aan laga qaadayn Laascaanood in ay sii socdaan mooyee, isla markaana haddii aan saan wax laga bedelin ay xaaladda sii adkaan doonto.
Sidoo kale, wuxuu intaasi raaciyay in haddii ay sii jirto xiisada Laascaanood leys kugu tegi doono Magaalada Garoowe, isaga oo Madaxweynaha Puntland ku eedeeyay in uu mas’uul ka yahay dhibaatada ka taagan Laascaanood.
Ugu dambeyn, dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa duleedka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ka dhacayay dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, kaas oo aan wax natiijo ah laga gaarin.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com