Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Feysal Cali Waraabe oo si adag ugu jawaab hadalkii Madaxweynaha Puntland Saciid Deni

Hargeysa (HalQaran.com) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ee ahaa in Somaliland ciidankeeda ka qaado Laascaanood.

Mr Waraabe ayaa sheegay in ciidanka Somaliland aan laga qaadayn Laascaanood in ay sii socdaan mooyee, isla markaana haddii aan saan wax laga bedelin ay xaaladda sii adkaan doonto.

Sidoo kale, wuxuu intaasi raaciyay in haddii ay sii jirto xiisada Laascaanood leys kugu tegi doono Magaalada Garoowe, isaga oo Madaxweynaha Puntland ku eedeeyay in uu mas’uul ka yahay dhibaatada ka taagan Laascaanood.

Ugu dambeyn, dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa duleedka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ka dhacayay dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, kaas oo aan wax natiijo ah laga gaarin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...