Soomaali doonaysay inay ku biiraan DAACISH oo lagu xiray Mareykanka (Ogow Magacyadooda)

Photo: Google Images

Arizona (Halqaran.com) – Waaxda cadaaladda dalka Mareykanka ayaa sheegtay in la xiray laba nin oo kasoo jeeda Soomaaliya, oo maleegayey inay taageero agab iyo dhaqaale siiyaan kooxda Daacish, oo Mareykanka uu ku suntay in ay yihiin urur argagixiso.

Labada nin oo lagu kala magacaabo Axmed Mahad Maxamed, oo da’diisu tahay 21 jir, iyo Cabdi Yemeni Xuseen oo 20 jir ah, ayaa 26-kii July lagu xiray gobolka Arizona ee dalka Mareykanka.

Sida lagu sheegay dacwad dambiyeedka ka dhan ah, eedeysanayaasha ayaa waxay xiriir la lahaayeen shaqaale ka tirsan FBI-da oo qarsoodi ah, oo ay u haysteen inuu taageersan yahay fikradaha kooxda Daacish.

Xiriirka dhex maray labada Soomaalida ah iyo qofka ka tirsan FBI-da, ayaa shaaca ka qaaday inay damacsanaayeen inay u safraan dibadda oo ay u dagaallamaan Daacish, ama weerar ka fuliyaan gudaha Mareykanka, haddii ay awoodi waayaan inay safraan.

Si kastaba, eedeysanayaasha ayaa iibsaday tikidh ay ugu safrayaan dalka Masar, si ay u gaaraan gobolka Siinaay uguna biiraan Daacish.

Wakiillo ka tirsan FBI-da ayaa xiray Axmed iyo Cabdi markii ay yimaadeen garoonka diyaardaaha caalamiga ah ee Tucson International Airport ee gobolka Arizona.

Sida ku cad dacwad dambiyeedkooda, labada eedeysane ayaa dalka Mareykanka ku yimid qaxooti ahaan, waxayna kasoo jeedaan Soomaaliya. Axmed ayaa haysta kaarka degenaashaha Mareykanka (Green Card), halka Cabdi uu weli yahay qaxooti.

Ugu dambeyn, waaxda caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in dacwadaha ka dhanka ah labada nin ay weli yihiin eedeysanayaal oo kaliya, islamarkaana aysan wax dambi ah lahayn illaa ay sidaas ugu caddeyso maxkamad.

Xafiiska Halqaran.com, Minnesota
Halqarannews@gmail.com