Saturday, April 18, 2026
29.1 C
Mogadishu

Somaliya oo ka qeybgashay Shirka Qaaradaha Afrika iyo Latin America ee horumarinta beeraha

Costa Rica (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa dalka Costa Rica uga qayb galay shirka iskaashiga Wasiirada Beeraha Africa iyo Latin America kaasoo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Ururka Midowga Africa qaybtiisa horumarinta,Beeraha & Cimilada ee AU-AUDO-NEPAD iyo Ururka INTER-AMERICAN INSTITUTE FOR COOPERATION ON AGRICULTURE(IICA) iyo Alliance for Green Revolution Africa(AGRA) ayna martigalisay Dowlada Costa-Rica.

Shirkan ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii labada Qaaradood iskaga kaashan lahaayeen xaqiijinta hiigsiga caalamiga ah ee la dagaallanka gaajada iyo gaarista yoolka badbaado cunto(Zero Hunger).

Madaxweyne ku xigeenka dalka Costa Rica oo furan shirkan, Islamarkaana ay ka soo qaybgaleyn wasiirada Beeraha ee dalalka Africa qaarkood iyo Madaxda Ururada shirka qabanqaabiyay ayaa Gabagabadiisa waxaa laga soo saaray talooyin dhaxalgal ah iyo balamo lagu galay in labada Qaaradood ay si mug leh u xaqiijiyaan hiigsiga la dagaalanka gaajada iyo xaqiijinta badbaado cunto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...