Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Mareykanka oo war cusub ka soo saaray dagaalka ka socda Xudduudaha Somaliya iyo Itoobiya

Addis Ababa (Halqaran.com) – Wasaaradda arrrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtay in la xakameeyay qorshe ballaaran ay maleeshiyaadka Ururka Al Shabaab ku doonayeen inay ku qabsadaan dhul badan.

Wasaaradda oo soo xiganeysay taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom), General Steven Townsend ayaa sheegtay inay u muuqato in Itoobiyaanka ay si xooggaan uga hortaggeen isla markaana ugu guuleysteen dagaalka.

General Steven Townsend ayaa ka digay in Al Shabaab ay qorsheynayeen in weerarro fara badan ay ka geystaan Dowlad Deegaanka Soomaalida, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo Jimcihii shaley baahisay warbixinteeda toddobaadlaha ah.

Xubno ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo ciidanka Liyuu booliska ayaa isbuucaan dhexdiisa ku dagaallameen tuulada Laas-qurun oo u dhaw degmada Feerfeer.

Dagaalkan ayaa markii dambe qayb ka noqday militeriga Itoobiya, labada dhinacna waxay sheegteen inuu mid walba khasaare gaarsiiyay midka kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...