Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

Somaliya: 57000 oo Arday oo waxbarasho lacag la’aan ah la siinayo

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo hey’adda CARE International ayaa kala saxiixday mashruuca wax Bar Caruurtaa oo ay ka faaideysan doonan 57000 oo ah caruurta Soomaaliyeed ee aan waxbarasho helin ama Iskuul aadin.

Wasaaradda waxbarshadda ee XF Somalliya iyo hay’adda CARE Internatonal ayaa magaaladda Muqdisho ku kala saxiixday mashruuca loo yaqaano wax bar caruurtaada (Educate your Children) oo ay iska kaashanayaan wasaaradda Waxbarshadda iyo Hay’adda CARE, kaasi oo kordhin doona tirada ardayda Soomaaliyeed ee aadaya goobaha waxbarshada lana qorsheeyay in lagu kordhiyo carruurta hadda waxbarata tiro gaareysa 57000 oo arday.

Mashruucaan ayaa waxaa wasaaradda waxbarshadda u Saxiixay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta XFS mudane Maxamed Caabi Xasan iyo maamulaha mashaariicda waxbarshadda, hurumarinta ee Hay’adda CARE International u qaabilsan Soomaaliya mudane Ibraahim Maxamed Nuur.

Inta uu socdo mashruucaan ayaa waxaa maalgelinaya Educate a child of Qatar Foundation ee Dowladda Qatar oo soo marsiisay hay’adda CARE International.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...