Hargeysa (Halqaran.com) – Taliyaha guud ee Ciidamada Somaliland Generaal Nuux Ismaaciil Taani ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Somaliland magan geliso Ururka Argagixisada Al-Shabaab.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa ayuu kaga jawaabay hadalkii Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland uu ku sheegay in Soomaliland gacan siiso Argagixisada.
“Ninka taliyaha ah ee hadlayey qurbaha ayuu ka yimid dalka wixii ka dhacay ma oga, iskadaa dagaalka kuwii ka horeeyay weydii sidaas baa lagu shaqeyn jiray,” ayuu sidoo kale yiri isaga oo ka jawaabaya hadal kasoo yeeray Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.
Sidoo kale, generaal Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay in liiskii u dambeeyay ee shakhsiyaadkii Maraykanku ku tilmaamay Argagixisada ay dhammaantood ka soo jeedaan Puntland.
Puntland ayaa marar kala duwan Somaliland ku eedaysay in ay xiriir iyo wadashaqayn ah la leeyihiin kooxaha Argagixisada, walow Somaliland mar kasta ay beeniso arrintaas.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





