Hargeysa (Halqaran.com) – Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday inay qaaday dhammaan xayiraadii ay soo rogtay ee lagaga hortagayay faafitaanka Cusurka Corona Virus.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha la fasaxayay ka mid yihiin Duullimaayada, Ciyaaraha, Waxbarashada, Hotelada iyo Dhammaan waxkasta oo hore loo joojiyay.
Mr. Saylici ayaa sheegay in keliya dadweynuhu muujiyaan Taxadar dheeraad ah oo looga hortagayo faafitaanka COVID-19
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





