Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya, in uu dib u dhac ku yimid shirka Dhuusamareeb 3 oo Sabtida maanta ah lagu waday inuu halkaasi ka furmo.
Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa 22-kii bishii hore ee Luulyo ka soo saaray shirkii Dhuusamareeb 2 in 15-ka bisha August ay markale shir isugu yimaadaan magaaladaasi, si horey loogu sii amba-qaado dadaalada xalka loogu raadinayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.
Dib u dhaca shirka ayaa soo ifbaxay, ka dib markii Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, aanu midkoodna gaarin magaalaaasi, marka laga soo taggo Madaxweyne Qoorqoor oo isagu marti-gelinaya shirkaasi.
Sida uu qorshuhu ahaa shirkan ayay ahayd in maanta lagu gorfeeyo qodobadii lagu heshiiyay shirkii kan ka horeeyay, ee 22-kii bishii Luulyo ku soo geba-gaboobay Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu ammaanay, sida ay ugu diyaargaroobeen marti-gelinta shirkaasi, isla-markaana ay diyaarka ugu yihiin in dalka horey looga dhaqaajiyo marxaladda uu wajahayo.
Dib u dhaca ku yimid shirkan ayaa waxaa ku gadaaman arrimo siyaasadeed, marka aad eegto, sida uu Madaxweyne Farmaajo uga daahay soo magacaabidda Ra’iisal Wasaarihiisii 2aad, ka dib kalsooni kala noqoshadii Golaha Shacabka ee Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.
Shirka Dhuusmaareeb 3 ee maanta baaqday ayaa ahaa mid si weyn isha loogu wadahaayay, haddii uu qorshuhu ahaa in looga wadahadlo arrimo muhiim u ah masiirka siyaasadeed ee dalka.
Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee xalay baahisay in Madaxweynuhu uu maanta gaari doono Magaalada Dhuusamareeb, xilli lagu wado in isla maanta uu khudbad ka hor jeediyo Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Ugu dambeyn, shirkan oo qabsoomidiisa ay gadaal ka riixeyso Beesha Caalamka ayaa waxaa suurtagal in Isniinta illaa Arbacada uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb, waaba haddii aan laga soo hormarin.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





