Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Update: Mid ka mid ah Wasiirada Puntland oo geeriyooday

Garoowe (Halqaran.com) – Wasiiru dowlihii Madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland, Maxamed Xasan Ciise ayaa Subixii Sabtida maanta ah ku geeriyooday Isbitaalka Qaran oo ku yaallo Magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland.

Madaxtooyada Puntland, ayaa xaqiijisay geerida marxuumka, waxaana ka tacsiyeeyay Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).

Marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyay ku xanuunsanaa magaalada Garoowe, kadib markii ay Neefsashadu ku adkaatay, waxaana isla saaka la doonayay in loo soo qaado dhanka magaaalada Muqdisho.

Xilka Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Puntland waxaa loo magacaabay 21-kii October 2019, waxaana uu Xafiiska hayay mudda sagaal bilood iyo maalmo ah.

Marxuumka ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Garoowe ee Xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...