USA (Halqaran.com) – Shirkadda Facebook ayaa joojisay tobannaan kun oo barnaamij, oo ay sameeyeen ku dhawaad 400 oo shirkadood oo ah kuwa Sameeyaa Barnaamijyadaa, taas oo qeyb ka ah baartitaanno la xiriira fadeexaddii shirkaddii Cambridge Analytica.
Ilaa bishii Maarso 2018, Facebook waxa ay bilaawday in ay dabagal ku sameyso barnaamijyadaa galaangalka u leh xogta dadka isticmaala Facebook.
Baaritaankan ayaa yimi kaddib markii shaaca laga qaaday in la ogaaday oo si qaldan loo isticmaalay xogta malaayiin isticmaasha barta Facebook, iyadoo xadista xogahaasna loo sii maray barnaamijyo la isticmaalay(applications) , xogahaas ayaa qaar badan oo ka mid ah loo isticmaalay in lagu saameeyo doorashadii madaxtinimo ee dalka Mareykanka ka dhacday dhammaadkii 2016.
Taas ayaa keentay caro xoog leh oo Facebook dunida oo dhan ka soo wajahday, keentana in ugu dammbeyn masuulka ugu sarreeya Shirkadda Facbook Mark Zuckerberg uu hor yimaado aqalka Kongareyska Mareykanka, si arrimahaas wax looga weydiiyo.
Facebook ayaa isku dayeysa in ay dib ula soo laabato sumcaddeedii.
Warka Facebook ay soo saartay shalay oo jimco aheyd(Sept 20) ayey ku sheegtay in baaritaanno wali ay wadaan oo ay dib u eegis ku sameeyeen malaayiin barnaamij ilaa iyo hadda.
Shirkadda ayaa intaas ku sii dartay in dhowr barnaamij ay gabi ahaanba mamnuucday oo ay dacwad la tiigsan doonto dhawaan.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com