Saturday, January 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Masar: Madaxweyne Siisii oo banaanbayo looga dalbaday inuu Xilka iska-casilo & Xaalka oo..

Banaanbaxyada dalka Masar /Photo Credit: Reutes

Qaahira (Halqaran.com) – Dibadbaxayaal careysan ayaa isugu baxay fagaaraha Taxriir ee bartamaha magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, waxayna halkaasi aheyd goobtii ugu horreysay ee ay ka bilowdeen dibadbaxyadii xilka looga tuuray madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya inuu xilka ka dago madaxweynaha Masar ee haatan talada haya Mr.Cabdifitaax Al-Siisii.

Waa dibadbaxii ugu horreeyay tan iyo sanadkii 2014-kii dibadbaxyadii ka dhacay Masar, kuwaas oo madaxweyne Siisi talada dalka Masar kula wareegay.

Dibadbaxayaasha ayaa cod dheer si wada jir ah ugu heesayay “Shacabku waxa uu doonayaa iney xukuumaddu dhacdo” iyo sidoo kale hal-kudhigyo lamid ah madaxweyne Siisoo is casil.

Booliska ayaa la sheegayaa in ay dibadbaxayaashu u adeegsadeen sunta dadka ka ilimeysiisa si ay u kala eryaan.

Dibadbaxyadan oo gaaray qaar kamid ah gobolka kale ee Masar ayey shacabku waxa ay madaxweynaha talada haya ku eedeeyeen musuq baahsan iyo ku tukrifal awoodeed.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...