Sunday, March 15, 2026
28.3 C
Mogadishu

Shirkadda DP World oo sheegtay in Jabuuti ay ku xadgudubtay heshiis ay horey ula gashay

Jabuuti (Halqaran.com) – Shirkadda DP World ayaa maalin ka hor shaacisay in maxkamad ku taal London ay xukuntay in dowladda Jabuuti ay ku xadgudubtay heshiis ay la gashay oo ku aaddaa qeybta Container-rada ee dekedda Dooraaleh.

Shirkadda ayaa sheegtay in hadda wixii ka dambeeya ay dacwad sharci ku soo oogi doonto dowladda Jabuuti si ay u hesho xaqeedda.

Abubakar Cumar Xaddi oo ah madaxa marsooyinka Jabuuti ayaa ka hor inta uusan soo bixin go’aanka maxkamadda sheegay in arrinta DP World ay ka weyn tahay dekadda.

Dowladda Jabuuti ayaa horay uga baxday heshiiskii ay la gashay DP world ka dib markii uu khilaaf soo gala dhex galay.

Shirka DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa maalgashi ku sameysay dekeddaha ku yaalla geeska Afrika sida Berbera iyo Boosaaso oo ay hadda gacanta ku heyso.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...