Saturday, July 18, 2026
25.4 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay guddiga Amniga doorashooyinka dalka +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka, kuwaas oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM.

Kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa sidii loo dar-dargelin lahaa howlaha horyaalla Guddiga Amniga, isla markaana ay u xaqiijn lahaayeen hannaanka  Amniga ee doorashada dalka iyo goobaha ay ka dhaceyso.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xasuusiyay xubnaha guddiga Amniga mas’uuliyadda adag ee loo xil saaray in ay u gutaan si mas’uuliyadi ku dheehan tahay.

RW Rooble ayaa leh mas’uuliyadda hoggaaminta hannaanka doorashooyinka, gaar ahaan kor joogteynta iyo la xisaabtanka guddiyada kala duwan ee ka shaqaynaya doorashada.

Guddiga Amniga doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey shaqooyinka  ay qabanayaan oo ay ka mid tahay in  goobaha ay ka dhaceyso doorashada la geeyo ciidammo Booliis ah oo isugu jira heer Federaalka, heer dowlad goboleed iyo Booliiska AMISOM.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...