Tuesday, October 28, 2025
25.4 C
Mogadishu

Shirkadda Apple oo qorsheynaysa inay wax soo saarkeeda Telefoonnada ka wareejiso Shiinaha.

New York (Halqaran.com) – Wargeysaka Wall Street Journal ayaa sheegay in shirkadda telefoonada soo saarta ee Apple inay dardargelinayso qorshaha ay uga guurayso dalka Shiinaha iyada oo wax-soosaarkeeda u wareejinaysa wadamo kale oo ku yaalla qaaradda Asia, sida Hindiya iyo Vietnam.

Inkasta oo ay jiraan culaysyo kala duwan oo arrintan keenay, haddana mid ka mida tallaabooyinka soo dedejiyey in shirkaddu ay ka guurto dalka Shiinaha ayay ku jiraan.

Siyaasadda Shiinaha ee xakamaynta cudurka COVID ee loo yaqaan ‘China Zero Covid Policy’ taas oo curyaamisay wax soo saarkii shirkadda ee dalkaas.

Siyaasadda Shiinaha ee xakamaynta cudurka COVID waxay shirkado badan oo caalami ah ku khasabtay inay ka guuraan dalka Shiinaha, iyaga oo ka hor tegaya inay khalkhasho, silsiladda sahaydoodu.

Inkasta oo Shiinuhu uu haatan qarka u saaran yahay inuu debciyo xannibaadaha COVID, haddana weli hubanti la’aantu way taagan tahay.

Shirkadaha waaweyn ayaa fursad u arka Hindiya inay noqon karto dal bedeli kara Shiinaha oo kula tartami kara suuqa wax soosaarka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...