Sunday, February 8, 2026
24.8 C
Mogadishu

Shirka Madasha Garsoorka Gobolka Banaadir oo maalintii 2-aad ka socda Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Shirka Madasha Garsoorka gobolka Banaadir oo maalintii labaad ka socda Caasimadda Muqdisho.

Shikan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa hannaanka garsoorka dalka iyo fulinta dacwadaha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed, ayaa sheegay marka la gaaro doorashooyinka go’aan kasta oo ay qaataan Guddiyada Doorashooyinka inay yihiin kuwa ku kooban go’aano maamul oo aysan aheyd go’aan garsoore.

Shirka oo Arbacadii shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay garsooreyaasha maxkamadaha degmooyinka Gobalka Banaadir, Maxkamadda Racfaanka, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...