Tuesday, January 20, 2026
25.2 C
Mogadishu

Sheekh Shariif iyo Cali Guudlaawe oo kawada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo arrimo kale

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Khamiista maanta ah kulan la qaatay madaxweynihii hore ee dalka ahna Guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta Shariif Sheekh Axmed.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaalada dalka, Arrimaha doorashooyinka iyo xaaladaha kale ee lajira dalka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle doorkii uu ka qaatay heshiiskii laga gaaray arrimaha doorashooyinka iyo kaalintii uu ku lahaa.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ka waday kulamo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo sidii xal looga gaari lahaa tabashada ay qabaan Reer Hiiraan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...