Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Shirka Maaliyadda ee dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ka qeybgashay oo la soo gabagabeeyay

Washington (Halqaran.com) – Waxaa Khamiista maanta ah magaalada Washingtorn ee dalka Mareykanka lagu soo gabagabeeyay shirkii gaarka ahaa ee Miiska Gorfeynta Marxaladda Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen Dalalka deeq-bixiyeyaasha oo hoggaan ay u yihiin hay’adda Lagacta Adduunka IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa ka qeyb galayaashii shirka la wadaagay dadaalka iyo horumarka ay Soomaaliya ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, sidii Dowladdu u fulisay dhammaan shuruudihii deyn-cafinta iyo taageerada looga baahan yahay Saaxiibada caalamka.

Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyay in natiijo lagu farxo iyo taageero wada ogol ah ay kala kulmeen ka soo qayb galayaasha shirka gaarka ah ee dhinac socday shirka sanad laha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Ugu dambeyn, bishii May ee sannadkan, Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ogolaatay inay kordhiso muddada ay ku bixinayso barnaamijka kaalmada maaliyadeed ee Soomaaliya. Go’aankan ayaa yimid ka dib markii Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay hoggaanka dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...