Saturday, March 14, 2026
26.6 C
Mogadishu

Mareykanka oo taageero cusub u ballan qaaday Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Mudane Axmed Madoobe Nuunow (Axmed Baashi) ayaa Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Larry Andre.

Shirkaan oo qaatay saacado ayaa waxaa looga hadlay xoojinta maalgashiga iyo dadaallada wax soo saar ee Beeraha Soomaaliya, iyadoo Safiirku uu xusay in hay’adda Maraykanka u qaabilsan hormarinta ee USAID ay taageereyso hormarka ay wasaaradu ka samaysay dhiirigalinta Beeraleyda, koboca wax soo saarka, iyo siyaasada maalgashiga dalka.

Wasiir Axmed Baashi ayaa Safiir Larry iyo Dowladiisa Maraykanka Waxaa uu uga mahadceliyay taageerada ay mar kasta la garab-joogaan Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii looga faa’iideysan lahaa kheyraadka kujira dalka iyo in la maalgashado.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...