Shirka Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay oo ka furmaya Qaahira

Qaahira (Halqaran.com) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JF Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar kulan kula qaatay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Axmad Abul Ghaid.

Labada masuul ayaa kulan hordhac u ahaa shir ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Ururka Jaamacadda Carabta (LAS) iyo Qaramada Midoobay oo Talaadada maanta ah ka furmaya magaalada Qaahira, kaasoo looga hadlayo Abaaraha iyo Gigsiga Cimilada.

Ergayga gaarka ah ayaa xoghayaha guud kala hadlay ajandayaasha shirka la hordhigayo iyo natiijooyinka ay dawladda Soomaaliya shirka ka doonayso, dhinacyada ayaana isla meel dhigay qodobbo muhiim ah.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar oo abaabulka shirka kaalin wayn ku leh ayaa ergayga kulanka ku wehliyey.


Xafiiska Wararka Halqaran.com

Halqarannews@gmail.com