Wednesday, January 21, 2026
24.6 C
Mogadishu

Shirka guddiyo farsamo oo ka kala socda DF Somaliya iyo Somaliland oo ka furmay Jabuuti

Jabuuti (Halqaran.com) – Waxaa Jamhuuriyadda dalka Jabuuti Isniinta maanta ah ka furmay shirkii ay lahaayeen guddiyada farsamada ee labada dhinac ee DF Soomaaliya iyo Somaliland ku matalaya wada-hadallada.
Furitaanka shirkan ayaa waxaa joogay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Yamamoto, Midowga Yurub iyo IGAD.

Intaas kadib ayaa la sheegay inay shir wada galeen guddiyada farsamada, iyadoo wada-hadallada u fududaynayo wasiirka arrimaha dibedda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo dalkiisa martida lagu yahay.

Guddiyada farsamada ayaa shirkooda diiradda ku saari doono heshiisyadii hore, kuwii ka dhaqan galay iyo kuwa aanan dhaqan gelin sababaha ay u dhaqan geli waayeen.

Ugu dambeyn, wada-hadallada DF Soomaaliya iyo Somaliland ayaa shalay ka furmay qasriga madaxtooyada Jabuuti, waxaana ay dhinacyadu ku heshiiyen inaan la siyaasadayn deeqaha horumarinta iyo maalgashiga caalamiga ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...