Monday, May 11, 2026
28.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Puntland oo qaadacday Shirka Jabuuti, ”Natiijo kasta oo ka soo baxda ma aqoonsan doono”

Garowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Khudbad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 46-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa si rasmiya u shaaciyay in Puntland aysan aqoonsan doonin Natiija kasta oo ka soo baxda wada-hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga socda waddanka Jabuuti.

Mr. Deni ayaa sheegay in Wada-hadal kasta oo dhexmara Dowladda dhexe iyo Somaliland oo aan door laga siin Puntland aysan aqoonsan doonin Natiijada ka soo baxda maadaama ay Xuduud la wadaagto Somaliland, islamarkaana ay Deegaanno ka haysato.

Wada-hadallada u socda Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo Shalay ka furmay Waddanka Jabuuti ayaan weli si cad loo shaacin Ajandaha looga hadlayo marka laga reebo War-murtiyeed horudhac ah oo ka soo baxay Shirka kaas oo ay ugu muhiimsan tahay in uu sii socdo Wad-hadalka labada dhinac.

Maamulka Puntland iyo dowladda Federalka Somaliya ayaa waxaa ka dhex taagan Khilaaf adag, iyadoo muddooyinkii dambe Puntland si adag uga hor imaaneysay tallaabooyinka ay qaadeyso dowladda Federalka Somaliya.

Xilligan oo lagu jiro marxalad Siyaasadeed oo xasaasi ah ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay la kulmaysaa culeesaad kaga imaanaya maamul Goboledyada dalka ka jira oo markii hore aysan wanaajin xiriirkooda.

Ugu dambeyn, war-murtiyeed laga soo saaray shirkii Jubuuti ayaa lagu sheegay in lagu heshiiyay in la sameeyo guddi farsamo oo wada jir ah, kuwaas oo hawsha halkaa ka sii wadi doona isla markaana dib u eegi doona waxyaabaha horey loogu heshiiyay, in labada dhinac aanay siyaasadeyn kaalmooyinka horumarineed iyo maalgashiga iyo in dalka Jabuuti uu noqdo madasha kulammada dhanka farsamada ee lagu sii dhaqaajinayo wada hadallada DF Somaliya iyo Somaliland.

Halka hoose ka dhageyso Nuxurka Khudbadda Saciid Deni:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...