Saturday, April 18, 2026
28.7 C
Mogadishu

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta war ka soo saaray dagaalkii Awdheegle

Muqdisho (Halqaran.com) – Kulan ay Golaha wasiirrada ee Xukuumadda Soomaaliya maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu ammaanay guulaha xooggan ee ciidamada xoogga dalku kasoo hooyeen furimaha dagaalka iyo howlgallada kale ee lagu baacsanayo argagaxisada Al-Shabaab.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisaka ee xukuumadda Soomaaliya oo ka war bixiyay kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in goluhu uu si gaar ah u bogaadiyay guulaha ay ciidanku kasoo hooyeen dagaalkii degmada Awdheegle iyo jabka ay gaarsiiyeen argagaxisada.

Intii uu shirku socday ayaa golaha wasiirradu waxa ay ansixiyeen is-afgarad u dhexeeya wasaaradaha Shaqada ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay saameynta dhaqaale ee bulshada Soomaaliyeed uu ku yeelanayo qaraarka tirsigiisu yahay 1267 ee hor yalla golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...