Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Shirka Bandhigga Safarka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho + (SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Shirka Bandhigga safarka iyo dalxiiska Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho isagoo noqonaya kii ugu horeeyay oo dalka ka qabsoomay.

Madax kala duwan ayaa ka qeyb galay furitaanka bandhigga, Wasiirka warfaafinta XFS Md.Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) , Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Md.Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) , Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) , Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} iyo xubno kale ayaa ku sugan furitaanka Bandhigga.

Wasiirka Warfaafinta XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir oo ka hadlay ayaa sheegay in bandhiggaan muhiimka ah uu tusaale u yahay in Soomaaliya ay ku soo laabaneyso fagaarayaasha caalamka ee tan iyo burburkii ay ka maqneed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...