Thursday, April 30, 2026
30.9 C
Mogadishu

Shir looga hadlayo arrimaha xal ka gaarista doorashooyinka oo berri ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, kadib safar uu shalay ku tagay Magaalada Kismaayo, halkaas oo uu kaga soo qaybgalay aaska Allah ha u Naxariistee Guddoomiyahii Rugta Ganacsiga Jubaland oo maanta la aasay.

Axmed Madoobe ayaa Magaalada Muqdisho kaga qaybgali doona shirka Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagaga hadlayo sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho la isku raacsan yahay.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Qoorqoor ayaa sidoo kale isna galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib safar degdeg uu shalay ku tagay Nairobi ee dalka Kenya.

Shirka Wadatashiga DF Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa la ogeyn inuu caawa furmayo iyo in kale, balse warar ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in shirka uu berri oo Axad furmayo.

Ugu dambeyn, Shirkii lagu waday in uu Sabtidii maanta aheyd uu furmo ayaa baaqday, kaddib markii safar deg-deg ah ay Muqdisho uga baxeen Madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...