Thursday, April 30, 2026
30.9 C
Mogadishu

Rag loo qabtay kufsi iyo dil loogu geystay Muqdisho Gabar Ardayed aheyd

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Afar ruux oo ku eedeysan dilkii iyo Kufsigii loo gaystay Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax oo aheyd gabar arday ah.

Marxuumad Xamdi oo 19 sano jir aheyd ayaa falka kufsiga iyo dilka loogu gaystay guri ku yaallo Xaafadda Maajo ee Degmada Waaberi, kadibna waxaa laga soo tuuray dabaq ka kooban lix biyaano, halkaasi oo ay ku dhimatay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Saadaq Aadan Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay eedeysanayaasha in lagu wareejiyay xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliska, si baaritaanno loogu sameeyo.

“Afar eedaysane ayaan u haynaa, gabdha la kufsaday dabaq Muqdisho ku yaala laga soo tuuray, waxaa socota baaris dheer, waxaana umadda Soomaaliyeed si dhow ula wadaagi doonaa natiijada oo dhammaystiran”, ayuu yiri Afhayeenka Booliska Saadaq Aadan Cali.

Xamdi Maxamed Faarax ayaa waxa ay ka mid aheyd ardaydii sanadkaan gashay Imtixaanka dowladda, waxaana la sheegay saddex Maalin ka hor Carwo ku taallo Suuqa Bakaaraha inay ka shaqo bilowday.

Allaha u naxariisto Xamdi Maxamed Faarax ayaa saaka lagu aasay Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir oo ay daganeyd.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...