Saturday, May 30, 2026
27.4 C
Mogadishu

Shir looga hadlayay amniga guud ee deegaannada Puntland oo lagu qabtay Garoowe

Mudug (Halqaran.com) – Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdishire ayaa maanta ka qeyb galay shir uu gudominayay Taliyaha Ciidanka booliska Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi  shirkaas oo looga hadlayay xaaladda amni ee gobolada Puntland oo lagu qabtay magaalada Garoowe.

Shirka oo ka qabsoomay xarunta taliska ciidanka booliska Puntland waxaa ka qayb galay taliye ku xigeenka Ciidanka booliska S/guuto Maxamed Cali Xaashi, Hogaanada Ciidanka,Taliyaasha Qaybaha gobolada Nugaal, Bari, Mudug, Sool, Karkaar, Cayn, Gardafuu, Sanaag iyo Haylan.

Taliyaha Ciidanka booliska  Puntland S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa Hogaannada iyo Taliyaasha qaybaha ka dhagaystay xaalada guud ee amniga Puntland iyo shaqooyinka baaxada leh ee socda.

S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa Hoggaanada iyo Taliyaasha qaybaha ku bogaadiyay doorka muhiim ka ah ee ay ka qaateen adkaynta  amniga degaannada Puntland isagoo ku la dardaarmay in ay halkaas ka sii wadaan si loo helo deegaan nabdoon.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay degaannada Puntland ka socday howlgallo ay wadeen Ciidamada maamulkaas, kaas oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...