Friday, July 10, 2026
24.9 C
Mogadishu

Raila Odinga: Dib baa loo furayaa Xadka Soomaaliya iyo Kenya haddii lay doorto

Nairobi (Halqaran.com) – Musharaxa madaxweynaha dalka Kenya Raila Odinga ayaa ballanqaaday in uu dib u furi doono xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ee xiran hadii la doorto 9-ka bishan Augusto ee sanadkan.

Mr Odinga ayaa sheegay in xadka la furi doono si loo suurtageliyo isu socodka ganacsiga labada dale e Soomaaliya iyo Kenya oo u xiran sababo la xiriira dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Kenya & Al-Shabaab.

“Waa in aan meel marinaa wax walba oo looga baahan yahay si loo xaqiijiyo howlgallada ka socda xadkan si aan si xor ah ula macaamilno walaalaheen Soomaaliya,” ayuu yiri Raila Odinga.

Musharaxa Madaxweyne oo ay wehlinaysay ku xigeenkiisa Martha Karua iyo madax kale ayaa balan qaaday in ay xaqiijin doonaan ammaanka Mandheera iyo guud ahaan gobolka Waqooyi Bari.

Gobolka ayaa waxaa weli ka taagan dhibaatooyin ay ka mid yihiin weerarrada ay geystaan Ururka Al-Shabaab ee la dagaalama  Soomaaliya.

Weerarkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay Khamiistii markii dabley hubaysan ay joojiyeen Gaari Bas ah oo ku wajahnaa Magaalada Mandheera ugu yaraan laba saacadoodna ay khudbad u jeedinayeen rakaabka.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sheegay in dowladdiisa ay xoogga saari doonto horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka si dalka intiisa kale loo gaarsiiyo.

Ugu dambeyn, xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa xilligaan kajira dhibaatooyin kala duwan oo sababay weerarada Ururka Al-Shabaab, iyada oo dad badan ay isaga barakaceen kadib markii ay saameyn ku yeesheen weerarada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...