Tuesday, June 23, 2026
26.2 C
Mogadishu

Shir Amniga Doorashooyinka looga hadlay oo lagu qabtay Xarunta Xalane

Muqdisho (Halqaran.com) – Shir looga hadlayay amniga doorashooyinka ayaa ka dhacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, kaasi oo looga dooday sidii loo sugi lahaa goobaha lagu waddo in ay ka dhacaan doorashooyinka Ammaankooda.

Kulankan ka dhacay xarunta Xalane ayaa waxaa qeyb galay Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir, Wakiilada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo dowladda Mareykanka.

Cabdisaciid Cali oo ah la taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga ayaa sheegay in shirka looga hadlay in maamul goboleedyada ay ku suggaan Amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dowladda dhexena ay taageerto.

La taliyaha Madaxweynaha ayaa xusay in shirkaan sidoo kale looga hadlay sidii beesha Caalamka ay taageero u siin laheyd Hay’addaha Ammaanka inta lagu gudajiro Arrimaha doorashooyinka.

Doorashada Xildhibaanada Aqal oo billaaban doonta dhammaanka Sanadkaan ayaa waxaa lagu waddaa in lagu qabto maamul goboleed kasta labo Magaalo oo suggida Amniga ay iska kaashan doonaan AMISOM, Dowladda Dhexe iyo maamul goboleedka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmai.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...