Tuesday, May 26, 2026
28.1 C
Mogadishu

OGEYSIIS FURSAD SHAQO: Shaqo ka banaan Warbaahinta Halqaran News

Muqdisho (Halqaran.com) – Warbaahinta Halqaran News waxay dhammaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ku wargelinaysaa in boos shaqo ay ka banaan tahay Website-ka Halqaran.com.

Shaqada ka banaan Website-ka Halqaran News ayaa ah qeybta diyaarinta warbixinnada, wararka iyo xog uruurinta.

Shuruudaha shaqada ee laga rabo Saxafiga:

1- Inuu leeyahay Aqoon saxaafadeed iyo hab qoraal fiican, una baahneyn in dib loo saxo qoraalladiisa.

2- Inuu leeyahay ugu yaraan 3 sano oo Khibrad saxaafadeed oo uuna ku soo shaqeeyay.

3- Inuu yahay qof dheg-dheer oo xog-ogaal ah, islamarkaana leh xiriir wanaagsan oo dhinac walba ah, sida inuu heli karo xogta wararka aan bannaanka oolin.

4- Inuu leeyahay Aqoonta luuqad aan aheyn Soomaali, sida Luuqadda Carabiga ama English-ka midkood.

5- Inuu taxliilin karo wararka kuwooda ugu hadal-heynta badan.

Haddaba Saxafi haddii aad buuxin karto shuruudahaasi, Fadlan la soo xiriir maamulka warbaahinta Halqaran News, codsigaadana ku soo dir ciwaanka; halqarannews@gmail.com

Mahadsanidiin.

Maamulka sare HQ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...