Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Shiinaha oo ciidamo iyo maraakiib dagaal kala baxay biyaha Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Kooxda howlaha badda ee Shiinaha ayaa dib ugu laabtay magaalada dekedda leh ee Zhoushan ee bariga gobolka Shiinaha ee Zhejiang 14-kii Oktoobar, kadib markii ay dhammeeyeen howlahoodii ahaa galbinta maraakiibta rayidka ah ee Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.

Kooxda 35-aad ee galbinta Ciidanka Badda ee Dadka Shiinaha (PLA), oo ka kooban burburiye hage gantaalaha Taiyuan, maraakiibta gantaalaha Jingzhou iyo markabka sahayda keena ee Chaohu, ayaa galbiyay 49 markab oo Shiine iyo ajnabi isugu jira intii howlgalka socday.

Maraakiibta ayaa ka shiraacday Zhoushan 28-kii Abriil.

Kooxdii galbineysay waxay safreen in kabadan 100,000 oo mayl badeed intii lagu jiray safarkoodii 170-maalmood iyaga oo aan gaarin deked ay ku nastaan, taasoo taariikh cusub u sameysay markabka PLA Navy markasta oo howlgalka uu ka socdo badda.

Shiinaha ayaa bilaabay inuu soo diro maraakiibta ciidamada badda si ay uga fuliyaan howlgalada ilaalinta maraakiibta gacanka Cadan iyo biyaha Soomaaliya bishii Diseembar 2008.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...