Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Sheekh Shariif oo markale ku celiyay in doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markale ku celiyay inay muhiim tahay in doorashada waqtigeeda ku dhacdao, islamarkaana noqoto mid leysla ogol yahay.

Wuxuu hadalkaan ka sheegay Sheekh Shariif xilli uu hadal ka jeedinayay xeritaanka Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Magaalada Garoowe, isagoona xusay, in muhiim ay tahay in la qabto doorasho wada ogol ah oo waqtigeeda ku dhacda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif ayaa sheegay in dhameystirka Dastuurka qabyada ah uu horseedi karo qabashada doorasho qof iyo Cod ah, isaga oo sidoo kale ka digay in la musuq maasuqo dhaqaalaha dalka.

Inta badan Madaxda ka qeyb-gashay Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage ayaa waxaa ay ku celceliyeen inay muhiim tahay in laga wada heshiiyo doorashada uu muranka ka taagan yahay si ay u dhacdo mid la isku raacsan yahay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...