Sheekh Aadan Madoobe oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BF Somalia

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BF Somaliya, Mudane Sh. Aadan Madoobe /Photo: HalQaran News

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ku guuleystay kursiga Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Doorasho ka dhacday caawa Xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa wareegga ugu dambeeyay ku tartamay Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Xasan Cabdi Nuur.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada oo loo kala helay sidaan.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Axmed Madoobe) ayaa helay 163 cod, halka
Xasan Cabdinuur uu helay 89 cod.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BF Somaliya, Mudane Sh. Aadan Madoobe /HalQaran News

Sheekh Aadan Madoobe ayaa si weyn uga soo horjeeday xukunka Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guusha Sheekh Aadan Madoobe ayaa soo afjareysa xaalad hubanti la’aan ah oo dalka uu ku jiray in ka badan sanad, waxayna ka dhigan tahay inay hadda dhisan yihiin labadii hay’ad ee sharci dejinta, islamarkaana ay leeyihiin guddoon.

Isku soo wada duub, waa markii labaad ee uu Sheekh Aadan Madoobe uu hoggaamiyo golaha shacabka, wuxuu sidoo kale horey usoo noqday afhayeenka baarlamanka muddadii u dhaxeysay 31-ka Janaayo 2007 ilaa 25-ka May 2010.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com