Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Shaqaalaha DF Soomaaliya oo loogu baaqay inay qaataan tallaalka Covid-19

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XF Soomaaliya oo daahfuray talaalka ayaa ku dhawaaqay in shaqaalaha dowladda Soomaaliya ay Waajib ku tahay inay qaataan talaalka Cudurka COVID-19 maadaama looga baahan yahay inay si joogta ah u shaqeeyaan.

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Abshirow Maxamed  oo munaasabada daahfuray ayaa sheegay in shaqaalaha dhamaan looga baahan yahay inay qaataan Talaalkaan COVID-19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaafka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  DR Fowsiyo Abikar Nuur ayaa sheegtay in shaqaalaga rayidka looga wada baahan yahay inay qaataan talaalkaan.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sheegay in qofkii shaqaalaha ka mid ah ee qaadan waaya talaalka talaabo laga qaadayo.

Hirgalinta talaalkaan ayaa waxaa siwada jir ah isaga  kaashaanaya Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka waxaana waajib ku ahaaneysa shaqaalaha rayidka iyo bulshada inay qaataan talaalkaan.

Ujeedka qaadashada talaalka COVID-19 ee Shaqaalaha Dowladda ayaa looga gol-leeyahay in la yareeyo qatarta cudurka COVID-19  iyo sidookale in shaqaaluhu si toos u bilaabaan shaqada Dowladda iyada oo laga cabsi qabin cudurka COVID-19 waxaana hirgalintiisa iska kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Shaqaalaha rayidka ah waxaana la bilaabi doonaa qaadashada talaalka isbuucyada soo aadan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...