Friday, May 15, 2026
31.9 C
Mogadishu

Sh. Aadan Madoobe oo si rasmi ah xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ula wareegay

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomihii hore ee Golaha Shacabka BF Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Sabtidii maanta si rasmi ah xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu wareejiyay Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa Fasax Afar maalmood ah siiyey xildhibaannada, isaga oo sheegey in khilaafka ka taagan kuraasta Gedona uu xallin doono.

“Koox gaar ah lama socdo, wixii annaga naga horreeyeyna shaqo kuma lihin wixii maanta ka bilowda waxyaabaha yaryar ee jira si caddalaad ah ayaan u xallin doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha BF Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe.

Si kastaba, waxaa maanta buuq ka dhashay xarunta golaha Shacabka, kaddib markii ay gudaha u soo galeen xarunta Xildhibaannadii laga soo doortay degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...