DAAWO SAWIRRO: Ku-simaha Madaxweynaha Puntland oo maanta la kulmay dhaqaatiir ka socotay wadamada Islaamka (Maxay kawada hadleen?)

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Dhakhaatiir ka socota Ururka Dhallinyarada Wadamada Islaamka ee (WAMY), oo Puntland ka fuliyey qalliin iyo daaweyn lacag la’aan ah.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Caafimaadka Puntland Mudane, Jaamac Faarax Xasan oo hogaaminayey wafdiga iyo Masuuliyiin ka socda Xafiisyada kala ah; Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed SOYPD , Hay’adda Xikma, Shirkadda KEBARCO iyo Isbitaalka Gaalkacayo oo dhammaantood kala shaqeynayey Wasaaradda in Mashruucan qaliinka iyo daaweynta lacag la’aanta ah uu hirgalo.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey Adeega Caafimaad ee lacag la’aanta ah ee Dhakhaatiirtan ay dalka ka fuliyeen, Isagoo sheegay ka Dowladd ahaan inay marwalbo u fududeenayaan Dhakhaatiirta inay soo noqnoqdaan si ay howlaha samafalka caafimaad u gaarsiiyaan dhammaan Gobolada Puntland.

Dhakhaatiirtan oo u kala dhashay wadamada Sacuudiga iyo Suudaan, waxaa ay Isbitaalka Guud ee Gaalkacayo ka fuliyeen adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah waxaa ka faa’ideystay dad ku dhow 140 qof, dadkaasi 105 ka mid ah waxaa loo sameeyay qalliin.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shahaadooyin mahadcelin iyo dhiirigelin ah guddoonsiiyey dhammaan dhakhaatiirtii ka socotay Ururka Dhallinyarada Wadamada Islaamka (WAMY) iyo xubnihii kala shaqeeyey mashruucan inuu qabsoomo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com