Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda NISA oo qarax lagu dilay Magaalada Marka

Marka (HalQaran.com) – Sarkaal ka tirsan ciidamada hay’adda NISA ayaa lagu soo warramayaa in xalay qarax lagu dilay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxan ayaa aad looga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Marka. Sarkaalkan oo lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Cusmaan Cali Biitooni.

Sarkaalkan ayaa la dhashay guddoomiyihii hore ee degmada Marka Maxamed Cusmaan Cali (Yariisow).

Qaraxa lagu dilay sarkaalkan ayaa ka dhacay xilli uu gaari uu watay marayay xaafadda horseed ee magaalada Marka, iyadoo sidoo kale qaraxa ay ku dhaawacmeen 3 ka mid ah ilaaladiisa.

Weli wax war ah kama aysan soo saarin laamaha amniga iyo maamulka magaalada Marka qaraxa lagu dilay Sarkaalka ka tirsanaa ciidamada NISA oo aad looga yaqiinay magaaladaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com