Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Sarkaal ka tirsan Millateriga Somaliya oo lagu qarxiyay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin cusub ka soo baxaysa qarax xooggan oo jugtiisa si weyn looga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid weyn ayaa la sheegay in lala beegsaday mid ka mid ahaa Saraakiishii Millateriga Soomaaliya, kaasoo marayay xilliga uu Qaraxu dhacayay Agagaarka isbitaalka kalkal Xilli u kasoo baxay Villa Baydhabo  ee Magaalada Muqdisho.

Sarkaalka la qarxiyay ayaa lagu magacaabaa Jeneraal Maxamed Xaashi Guuleed, waxaana la sheegay in qaraxu uu ahaa miinada dhulka lagu aaso, taasi oo sida dad goobjoogayaal ah u sheegeen Halqaran News uu qabsaday Gaariga uu la socday Sarkaalka iyo Ilaaladiisa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in sarkaalkan uu soo gaaray dhaawac, waxaana ku dhintay qaar ka mid ah ilaalada sarkaalka.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, sidoo kale, wax faah-faahin intaas dheeri ah lagama hayo qaraxa lala beegsaday sarkaalkaas iyo ilaaladiisa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...