Tuesday, March 17, 2026
27.2 C
Mogadishu

Tahriibayaal Soomaali ah oo lagu xiray dalka Zambia, kaddib markii…

Zambia (Halqaran.com) – Ciidamada Ilaalada Xeebaha dalka Zambia ayaa xabsiga dhigay Dhalilnyaro Soomaali ah, kuwaas oo tahriib ku tagay dalkaas, si ay ugu sii gudbaan dalka koonfur Afrika si ay uga Shaqeystaan.

Waxaa lagu soo warramayaa in dhallinyaradaasi ay isugu jiraan rag iyo dumar ayaa gaaraya ku dhawaad Boqol (100) Dhalinyaro ah, waxaana ay ka tageen dalka Soomaaliya, waxaana haatan dhibaatooyin kala duwan ku heysta Xabsiyada dalkaasi Zambia.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambia Maxamuud Maxamed (Hiiraan) ayaa sheegay in Dhallinyaradaas la xiray ay ballanta uga baxeen Raggii tahriibinayay kadib markii lacago farabadan ka qaateen.

Maxamuud Maxamed Hiiraan ayaa sidoo kale sheegay inay socdaan daddaalo kale oo lagu doonayo in lagu siidaayo dhallinyaradaas si loogu soo celiyo dalkooda Hooyo ee Soomaaliya oo ay markii hore ka tageen, iyaga oo doonayay inay ka shaqeystaan dalka Koonfur Afrika.

Si kastaba,dhalinyarada Soomaaliyeed ee u tahriiba qaar kamid ah dalalka Caalamka ayaa la kulma dhibaatooyin kala duwan haba ugu badnaadaan kuwa lagu qabto Xeebaha dalka Libya, kuwaas oo Kooxaha loo yaqaano magafayaasha ay xiraan si ay lacago farabadan uga qaataan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...