Thursday, April 30, 2026
28.5 C
Mogadishu

Saraakiishii lagu xasuuqay qaraxii Gaalkacyo oo la aasay +(SAWIRRO)

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay aas Qaran oo loogu sameeyey Gaalkacyo saraakiishii qaranka ee ku shahiiday falkii argagixisadu shalay ka geysteen magaalada Gaalkacyo.

Salaadda Janaasada ayaa waxaa marxuumiinta wadajir ugu tukaday Ra’iisul Wasaaraha , Madaxda Galmudug, Wasiirro ka tirsan dowladda federaalka, Puntland, Galmudug, Xildhibaanno heer federal, heer gobol iyo saraakiisha Ciidamadda. Waxayna Allah uga baryeen inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo guud ahaan dadkii ku dhintay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaamay in cadowga ummadda Soomaaliyeed aan looga hari doonin beegsiga haldoorka bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F.S ayaa Alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeenna uu Samir iyo iimaan ka siiyo. Isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marna ilaawi doonin halyeeyadii qaranka ka shahiiday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...