Sunday, May 31, 2026
26.7 C
Mogadishu

Saraakiil Amniga doorashada Somaliya sugi doono oo tababar loo soo xiray

Muqdisho (Halqaran.com) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay inay Khamiistii soo gabagabeeyeen tababar muddo afar maalmood ah ugu socday Magaalada Muqdisho 160 saraakiil Boolis ah oo ka tirsan AMISOM.

AMISOM ayaa sheegtay in saraakiisha Booliska ah ee ka socda dalka Uganda ay joogi doonaan Soomaaliya muddo hal Sano ah, iyagoo gacan ka geysan doona ilaalinta sharciga, kala dambeynta iyo sugidda nabad gelyada dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska AMISOM Augustine Kailie , ayaa sheegay in saraakiishani ay sii fulin doonaan tababarro ,howlaha kormeerka iyo la talinta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Augustine Kailie ayaa saraakiisha uu tababarku u dhammaaday u sheegay in ay Soomaaliya ujoogaan howlo nabad ilaalin ah, wuxuuna kula dardaarmay inay dhowraan xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin bulshada martida loo yahay.

Ugu dambeyn, saraakiishan ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay gacan ka geystaan howlaha sugidda ammaanka xilliga doorashada madaxtinimo oo dhowaan la filayo in ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...